Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawirada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas Oo Mid Ka Mid Ah Maraakiibta Dagalka Ee EU Naval Force Somalia Kula Kulmay Danjirayaasha Reer Yurub

$
0
0

Arbaca 26,03,2014 –Pi– Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa galabnimadii maanta oo Arbaco ah 26,03,2014 waxa uu kulan gaar ah la qaatay danjirayaal ka tirsan Dowladaha Reer Yurub iyo danjiraha EU-da u fadhiaya magaalada Nairobi, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay dusha sare ee mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee EU Naval Force Somalia ee ay leeyihiin isu tagga wadamada reer yurub.

Dhanka Dowladda Puntland waxaa Madaxweynaha kala qayb galay kulanka qaar ka mid ah golahiisa Wasiirada, saraakiisha ciidamada daraawiisha iyo Booliska iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada .

Dhanka Dowladaha Reer Yurub waxaa kulalnka joogay Danjiraha Midowga Yurub u Qaabilsan Somalia,Safiirka Talyaaniga, Safiika UK,Safiirka Holland, Safiirka Denmark iyo safiiro kale.

Waxaa si qoto dheer loo falan qeeyey caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, iyo sidii dhinaca arimaha Bulshada la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto.

Waxaa sidoo kale la isku gartay in siyaasad midaysan laga yeesho soo afjaridda iyo la dagaalanka burcad-badeeda, Al-shabaab, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa Safiirada shirka ka qayb galay usoo bandhigay qorshe howleedka u degsan Dowladdiida , kaasi oo ay qaban doonaan sanadka ugu horeeya iyo ilaa iyo mudada ay shaqadu kaga egtahay.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa shirka ka sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho taageerada la siiyo Dowladda Federaalka ah maadama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah.

Safiirada dalalka Reer Yurub ayaa sheegay inay Puntland la garab is taagayaan taageero caamali ah , isla markaana ay heli doonto saamiga ay ku leedahay taakuulaynta ay dawladaha reer Yurub siin doonaan Soomaaliya.

Safiirada Dalalka Reer Yurub waxaa ay ballan qaadeen ina ay dalka Djibouti kusoo taba bari doonaan ciidamada Police-ka Badda, si loo xaqiijiyo amniga xeebta dheer ee Puntland.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa labada dhinac ay ka warbixiyeen waxyaalihii ay isla soo qaadeen , iyagoo caddeeyey in si faah-faahsan la isula qaatay in Puntland la tageero.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah kaasi oo Madaxda Dowladda Puntland iyo Safiirada Dalalka Reer Yurub ay ku qaataan badda dusheeda, waxayna taasi muujinaysaa in Madaxweyne Gaas iyo xukuumddiisu ay dadaal ugu jiraan sidii Puntland loo horu marin lahaa.

Sawirada hoos ka daawo

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyda Puntland

IMG_3693 IMG_3696 IMG_3699 IMG_3707 IMG_3712 IMG_3715 IMG_3716 IMG_3730 IMG_3734 IMG_3739 IMG_3746 IMG_3762 IMG_3772 IMG_3779 IMG_3781 IMG_3782 IMG_3784 IMG_3788 IMG_3795 IMG_3806 IMG_3810 IMG_3815 IMG_3820 IMG_3823 IMG_3830 IMG_3847 IMG_3853 IMG_3856 IMG_3858 IMG_3867 IMG_3873 IMG_3879 IMG_3880 IMG_3882 IMG_3883 IMG_3885 IMG_3888 IMG_3892 IMG_3903


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles