Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Video Maamulka Degmada 6′aad ee Minneapolis Oo Qabtay Shir Looga Tashanaayo Hadafka iyo Qorshaha Dowlada Hoose Ku Hawlgeli Lahayd 4′ta Sano ee Soo Socota

$
0
0

Minneapolis: Gudoomiyaha Degmada 6′aad ee magaalada Minneapolis Mudane Abdi Warsame ayaa qabtay shir wadatashi iyo talo uruurin oo ah noociisi kii u horeeyey lagu qabto Magaalada Minneapolis. Waxaa shirkani kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo waliba hooyooyinka degmada 6′aad ee magaalada Minneapolis.

Shirkani ayaa waxaa looga dooday islamarkaana la’is waydaarsaday talooyin ku aadan hadafka, hawlgalka, ujeedooyinka iyo istaraatiijiyadda uu maamulka magaalada Minneapolis ku hawlgali lahaa 4ta sano soo socota. Dadwaynaha ku hadla luqada af-somaali ayaa afkaartooda usoo bandhigay koox koox, iyagoona ka codsaday gudoomiyaha degmada 6′aad in afkaartooda uu ahmiyad siiyo.

Amniga, cadaalada, caafimaadka iyo waxbarashada ayaa kamid ahaa qodobada ugu waa’weyn goobtaasi looga dooday. Waa shirkii u horeeye lagu qabto af-somaali oo ku saabsan hadafka iyo qorshaha dowlada hoose magaalada Minneapolis ay ku hawlgali lahayd 4ta sano soo socda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles