Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole oo dib ugu soo rogaal celiyey Siyaasada Soomaaliya

$
0
0

Adis ababa– Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo maalmahaan ka nastey siyaasada soomaaliya ayaa hada dib ugusoo rogaal celiyey, Dr. Faroole ayaa maalmahaan wuxuu safar ku marayay Wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya isagoo cagta soo mariyey dalalka Kenya iyo Jabuuti, wuxuuna hada ku sugan yahay Dalka Itoobiya halkaasoo uu khamiistoo kula kulmey Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom .

Mudane Faroole iyo masuuliyiinta uu la kulmey waxay ka wada hadleen Arimaha Soomaaliya iyo mustaqbalka Dhow, iyadoo aysan meeshana ka maqney Arimaha Puntland, wuxuuna Dr. faroole kaloo booqan doonaa Dalalka Brundi iyo Ugandha.

Dr. Faroole waxaa safarka ku weheliya Xubno ka tirsanaa xukuumadiisii hore.
Hoos ka daawo sawirada kulamadii Adis ababa ee khamiistii
faroole1

faroole

faroole gaari

faroole adis


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles