Oslo–19 maarso.2014–Pi– Sida laga soo xigtey markii hore Al-shabaab , nin lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed oo 60 jir ah kana yimid Norway ayaa ka mid ahaa ragii Weeraray Habeyn hore (18.03.2014) Hotel ku yaal Buulabarde halkaasoo ay ku dhinteen Toboneeye qof oo askar Jabuutiyaan ahi ku jireen.
Hadaba Dowlada Norway ayaa markay ka warheleen in nin soomaalida Norway ahi uu ka mid ahaa Argagixisadii weerertay Buulaburde ayay baaritaan ay sameeyeen waxay sheegeen in Magaca ay Al-shabaab sheegeen , ay Norway baareen kana war heleen in magacaan uu deganaa Gobolka Hedmark, markii u horeyseyna uu soo degey sanadkii 1998, shan sano ka horna wuxuu uguurey Sweden xiligaasna ma uusan haysan dhalashada Norway, marnana ma qaadan dhalashada Norway, Sweden iyagu wali kama hadlin in ninkaan soomaaliga ah uu ka mid ahaa soomaalida Sweden.
Afhayeenka Sirdoonka Ciidanka Norway Mr Bent-Ivan Myhre oo arintaan ay saxaafada Norway waxka waydiiyeen maanta(19.03.2014) wuu ka gaabsadey inuu ka hadlo, wuxuuse raaciiyey in baaritaan ay bilaabeen hada.
Ma aha markii ugu horeysey ee la sheego in shaqsiyaad ka mid ah Soomaalida Norway ay ka qaybqaateen weeraro Argagixiso, weerarkii Suuqa West Gate ee magaalada Nairobi waxaa la sheegey inuu ka mid ahaa wiil 23 jir Soomaalida norway ah uu ka mid ahaa ragii weeraray suuqa, weerarkaas waxaa ku dhintey 72 Qof.