Dowlada Puntland ayaa baaq nabadeed u dirtey Qolyaha ku dagaalamaya Gobolka Shabeelaha Hoose waxayna Puntland ku baaqdey in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo Colaada ka aloosan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhinaca kale Puntland waxay sheegtey in ay jiraan Masuuliyiin Qaswadayaal ah oo hurinaya Colaada waxayna kuwaas ugu baaqdey iney ka waantoobaan bara kicinta shacabka.
Baaqaan kasoo yeerey Puntland ayaa sidoo kalo lagu sheegey in Dagaalada noocaan ah lagu burburinayo laguna Caburinaya Dib u heshiisiintii iyo Nidaamkii Dowladnimo ee Soomaali ku heshiisey, waxayna Puntland ugu baaqaysay Dowlada Federaalka iney Daacad ka ahaato arimaha ka taagan Gobolka Shabeelaha hoose lagana waantoobo barakicinta Dadka Rayidka ah.
Puntland waxay kaloo sheegtey iney Puntland taageerayso nabada iyo Rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee doonaya iney u tashadaan deegaankooda iyagoo raacaya nidaamkii Soomaali ku heshiisey.
Puntland waxay kaloo sheegtey ineysan Dowlada Puntland marnaba ogolaaneyn in la dhibaateeyo Shacab Soomaaliyeed.