Sidaaan la socono labadii isbuuc ee u dambeysay waxaa Dalka oo dhan ka bilowdey guluf colaadeed oo ay hor ka cayaan ciidamada dowlada Itoobiya kaasoo Dalka looga xoreynyo kooxda Argagixisada ee Al-shabaab, Colaadaas iyo culeyska amni xumo ee kusoo kordhay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sababay in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jamciyada Qaramada Midoobey Nickolas Kay uu ka baaqdey Safar uu ku tagi lahaa Xarunta Golaha amaanka ee Qaramada Midoobry New York halkaasoo uu ka jeedin lahaa Warbixin sanadeedkii xaalada Soomaaliya, taa badalkeeda wuxuu sheegey in xaalada Qalafsan ee dalka ka jirta aan wadanka laga bixi karin loona baahan yahay in si dhow loola socdo isbadalada siyaasadeed iyo ciidan ee dalka ka socda, Nickolas Kay wuxuu go’aansadey inuu aalada Casriga ee la uska arko Skype-ka uu ku gudbiyo warbixintii isagoo jooga Muqdisho, Nickolas Kay isagoo kaftamya waxuu golaha amaanka u sheegai in madaxweynihii iyo Raisal wasaarihii dalka ka maqan yihiin. halkaan ka akhriso Warbixintii Kay
Waxaa nasiib daro ah in Masuuliyiintii ugu sareysay Dalka oo ka mid yahay Madaxweynaha iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada aaney wax dareen ah iyo Danqasho ahba aysan la wadaagin Xaalada siyaasadeed, nabad galyo iyo Arimo Bulsho ee ay ku sugan yihiin Dadka iyo Dalka Soomaaliyeedba,.
Waxaa si cad u muuqata inaan Madaxweynuhu kaba warqabin culeyska iyo miisaanka uu leeyahay Hawlaha La Dagaalanka Argagixisada iyo Xoreynta Deegaanada Shabaabku heysto ee ay hor kacayaan Ciidamada Itoobiya, Xitaa waxaa muuqata inaan Madaxweynaha lagala tashan, laguna wargalin sida howlgalku u socdo, wakhtiga uu bilowdey , wakhtiga uu dhamaanayo, siduu u socda iyo Ciidamada Soomaalida ee lagusoo tababarey Itoobiya oo ka madax banaan Wasaarada Gaashaan dhiga ee Dowlada Federaalka. isla markaasna ka garab dagaalamaya Ciidamada Amisom ee Itoobiya.
Waxaa wax la yaableh ah iyadoo wadanku uu ku sugan yahay Xaaladaas cakiran, isla markaasna Amaankii Magaalada Muqdisha uu faraha kasii baxayo in Madaxweynuhu ku mashquulsan yahay dalxiis iyo tamashle iyo in Madaxweynaha iyo Sadex Wasiir ay Masawiro isagasoo qaadaan Aqalka Senate ka ee Federaalka Japan oo aan cidi joogin, fiicnaan laheydaa haddii iyadoo mudanyaasha Senate ka oo jooga uu ka jeedin lahaa khudubad uu uga warmayo dhibaatada dalka ka jirta , lakiin fursadaasi wey seegtay
Waxaa wax cajiib ah in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xukuumadiisu aanay wali sameynin mudo laba sano ku dhow Aqalka sare ee Senate ka Soomaaliya isla markaana uu hor taagan yahay hirgalinta howlihii Federaalka Soomaaliya, waxaa is waydiin leh markaas waxa uu ka faa’iidayo dalxiiska uu ku tagayo aqalka sare ee Federaalka Japan?!!!!!.waa qiiq isku qarin iyo dhaqankii lagu bartay siyaasiyiinta soomalida ee ahaa ( Runa ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin)
Waxaa xusid mudan in wakhtigii Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Aaden Cade ay shacabka Soomaaliyeed kala horyimaadeen Banaan baxyo waaweyn ka dib markii wadanka oo abaaro ka jiraan uu damcay Madaxweynuhu inuu u safro Magaalada Bonn ee West Germany, banaanbaxyadaas oo la magac baxay “NO BONN” , oo macneheedu ahaa Madaxweyne Bonn ma tagi kartid Dadka iyo Dalka oo dhibaataysan, Alla ha u naxariistee Madaxweyne Aaden Cade waa garowsadey rabitaankii shacabka, wuuna baajiyey safarkiisii.
Aaway shacbigii dareenkaas iyo Dadnimadaas lahaa, iyo Masuuliyiintii garashadaas lahayd
Fiira gaara : Wakhtigan xaadirka ah waxaa isna Dalka dibada uga maqan Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh, Marka Madaxweynaha rasmiga ah ee Jamhuuriyadu sow ma ahan Nickolas Kay
Ergayga gaarka ee UNSOM Nicholas Kay ayaa shalay Golaha Amaanka siiyay warxintii Somalia ee sanadkaan 2014 isagoo jooga magaalada Muqdisho. Wuxuu Ambassador Kay ka hadlay arrimaha nabadgalyada, federaalka iyo dhameystirka dastuurka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la dardargaliyo Nidaamka Fedaraalka.
Wuxuu kaloo Nicholas Kay ka hadlay shirarka dhowaan ka socday Baydhabo isagoo sheegay in DF ay soo dhoweynayso kaliya in 3-da Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose sameysataan Dowlad Goboleed.
Nicholas Kay wuxuu u sheegay Golaha Amaanka in ilaa hadda Somalia uu ka hirgalay laba Maamul Federaal ah kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin Puntland iyo Jubbaland.
Warbixinta Kay waxaa kaloo ka mid ahayd in dhowaan Puntland isbadal ka dhacay oo la doortay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, doorashadaasna ay ahayd doorasho xor ah oo dimoqraadi ah.
Danjire Nicholas Kay mar uu ka hadlayey maamulka Jubaland ayuu wuxuu soo dhoweeyay in maamulka Jubaland uu dhowaan magacaabay Golahiisa wasiirada isagoo sheegay in la dhameystiri doono heshiiskii Addis Ababa.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay in beesha caalamka ay si dhab ah u tageerto Dowladda Somalia lana dhameystiro tiirarka horyaala DF oo ah Dib uheshiisiin, Hirgelinta nidaamka Federaalka, dhameystirka Dastuurka iyo Doorasho dimoqraadi ah oo dhacda 2016.
Turning to Somalia and the Security Council, the Secretary-General’s Special Representative in Somalia, Nicholas Kay, briefed the Security Council this morning. He said that Somalis desperately needed improved security and that national reconciliation must move quickly. He added that the establishment of federal states needs to be accelerated and is critical to the creation of a cohesive and effective federal structure in Somalia.
Kay also stressed the need to conclude the constitutional process and said that legislation needs to be set in motion for the constitutional and electoral processes.
Kay said that the progress in Somalia had been mixed so far — but that it is nevertheless progress. He called on the international community to continue to provide the support necessary so that Somalia could undertake the significant work that remains.
Halkaan hoose ka daawo video-ga:
Puntlandi