Djabouti– 13 Maarso.2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo wali booqasho rasmi ah ku jooga Jabuuti ayaa ku guda jira safarkiisa shaqo.
Madaxweyne Gaas wuxuu shalay la kulmey Dhigiisa Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Waxayna kawada hadleen Arimaha Soomaaliya sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen nabadeynta Koonfurta Soomaaliya, Waxay kaloo labada masuul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo Jabuuti.
Safarka Madsxweynaha waxaa kaloo qayb ka ahaa suuq geynta Puntland wuxuuna Madaxweynuhu Jabuuti kala hadlayaa Ganacsiga iyo sidii Puntland iyo Jabuuti u xoojin lahaayeen Ganacsiga iyo iskaashiga horumarinta.
Madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisu waxay inta ay joogaan Jabuuti ay la kulmayaan Masuuliyiinta Beesha Caalamka, waxay kaloo booqanayaan kaabiyaasha dhaqaalaha ee Dowlada Jabuuti.
Madaxweynuhu marka uu dhameysto safarkiisa Jabuuti wuxuu dib uhu soo laabanayaa Garowe.
Puntlandi.com
Post@puntlandi.com