Video-ga ka daawo sawirada hoostooda
Xili aan booqday tuulada Gosol ee hoostagta degmada xarfo ee Gobolka mudug ayaan ku xog waraystay dadka deegaankaas baahiyaha ay qabaan waxayna codsaday in laga caawiyo masjid ay halkaas ka dhisanayeen iyagoo sheegay in ay dhulkii iyo dhagaxii lagu dhisi lahaaba diyaar sadeen balse ay ka dhimantahay in laga caawiyo dhanka kharashaadka ku baxaya iyo shaqaalaha
Dadkaan waxaa ka muuqatey baahi badan oo dhanka adeega bulshada ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah balse waxaa aad ugu waynayd in ay helaan goob ay ku cibaadaystaan . waxayna codsadeen in laga caawiyo meel ay allaah ku caabudaan. Sidoo kale na waxaan oran karaa waxaysan ba ku baraarugsanayn xuquuqda ay dawladooda ku leeyihiin iyadoo sidoo kalena aysan ba wax kalsooni ah ku qabin in dawladu wax u qabanayso. Mar aan waydiiyey waxa ay dawlada cusub ka codsanayaan.
Muuse oo ka tirsan dadka reer miyiga ah baa isagoo ay caro ka muuqato yiri, dawladu anaga nooma dhalane malaha magaalooyinka bay u dhalatay, bal ii sheeg waxay miyiga u qabtaan, maxa y ugu talo galeen ee aan ka ahayn markii aad neef suuqa gaysatid in ay canshuurtii meeday ku dhahaan,
Deegaanka Gosol waa tuulo ay inta badan ku xiran yihiin dadka degan miyiga bari ee degmada xarfo waxaana lagu xusuustaa in ay 2012 gabi-ahaan ba tuuladaas biyo la tageen. Masid kii hore iyo waliba gurihii biyuhu la tageen ayaan wali helin wax dayactir ah iyagoo sidoo dadka deegaanka dagana sheegeen in aysan helin wax caawimaada dhanka Dawlada Puntland iyo Hay’adaha caalimiga ah midna
Abdisalaam Mohamed Aadan oo ah gudoomiyihii gudi loo xilsaaray dabagalka hantidii loogu loo balan qaaday dadkii dhibaabatu ka soo gaartey daadadkii Gosol la tagey ayaa yiri.
::wax kaalmo ah oo dadkaan soo gaarey ma jiraan, guryohoodii waad aragtaan meesha ay ka fadhiyaan, wax kale na iska dhaaf, hay’ada caalimaya ama dawlada Puntland midna wax uma qaban., waxaan wasaarada qorshaynta Puntland ka codsanayaa in ay dabagal ku samayso meesha hantidaas dadkaan masaakiinta magacooda lagu soo qaaday la geeyey cidii lagu helo in ay dhunsatayna maxkamad la soo taago ayuu yiri Abdisalaam “”
Ugu dambayn waxaan ka codsanayaa dawlada cusub iyo wasaarada ku shaqada leh ba in ay indhaha furaan oo dib u eegaan dulmiga laga galayo dadka ugu baahida badan bulshada reer Puntland,
Abdirisaaq Abdirahman Hassan ( Gosol)
Birmingham, UK
aahnuur@gmail.com