Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Golaha Wasiiradda Dowlada federaalka oo meelmariyey Hindise-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga

$
0
0

Mogadishu, March 08, 2013……  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxana la filayaa in tallaabadan ay wax ka  tari doonto dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ee kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeg loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddoo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“ Dakhligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo-celinta amniga. Si dakhligeenu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeeg bulshol waxaa looga  baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed   in ay  bixiyaan  canshuuraha “ Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali .

“ Sanadkan 2014, dowladdu waxa ay muhiimadda kowaad siineysaa 3 arrimood oo kala ah amni, dakhliga iyo hay’do dowladeed oo shaqaynaya.  Dakhliga dowladda oo kordha waxa ay keeneysaa adeegyo bulsho” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Dhamaad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles