Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Warsaxaafadeed Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Jubaland oo go’aamo kasoo baxeen

$
0
0

Kismaayo– 6 Maarso 2014— Shirkii caadiga ahaa ee maalinta khamiista ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ayaa waxaa ay isla falanqeeyeen arrimaha ka soo kordhay magaalada Baydhaba kaa soo kooxdii ku shireysay ay go’aansadeen in ay sameystaan maamul ka kooban lix gobol.

Arrintan Baydhabo ka soo cusboonaatay waxaa ay ka hor imaaneysaa go’aanadii lagu gaaray Addis Ababa, bishii August 27, 2013.

Waxaana ay carqaladeyneysaa habsamida nidaamka federaaleynta. Sidaa darteed, maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa ay arrimha Baydhabo u aragtaa sidan:

1. Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa ay soo dhaweyneyaan go’aankii ku qornaa warmurtiyeedkii ay soo saareen Dowladda federaalka ee Somaaliya March 03, 2014, kuna saabsan in ay dhankeeda ka ilaalineyso heshiiskii Addis Ababa iyo dastuurka Federaalka Soomaaliya

2. Sidoo kale, maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa ay taageerayaan ballanqaadka ah in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dardar gelineyso dhankooda hirgelinta heshiiskii Addis Ababa, iyadoo saldhig uga dhigeysaa dastuurka federaalka Soomaaliya

3. Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa sidoo kale ay soo dhaweyneyaan go’aanka ah in maamul goboleed loo sameeyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeelda hoose oo ay dadka reer koonfur Galbeed si xor ah u doortaan madaxda maamulkooda, iyadoo loo fidinayo taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

4. Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa ay caddeyneyaan in ay taageereysan yihiin go’aanada ay gaareen UNSOM, AMISOM/IGA/AU iyo Wadamada taageera Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha ka soo kordhay Baydhabo.

5. Maamulka ku meel Gaarka ee Jubba Waxaa ay ka codsanayaan ummadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo nabadda, wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.

Abdinasser Seeraar,
Afhayeenka Maamulka Jubbaland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles