Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdiyo ka socday Safaaradda Britain iyo Hay’adda FAO (Warsaxaafadeed+Sawiro)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Talaado 04 March, Garowe:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda wafdi sare oo ka socday safaaradda Britain ee Somalia.

Waxa horkcayay Mr. Grant Calder oo ay wehelinayeen Rebbeca Terzoon, Dave Mcfarland, Abdinasir Ogle iyo Michael Cox, waxana iskugu jireen la-taliyaal dhanka siyaasadda iyo saraakiil gaashaandhiga ah.

Kulanka waxa looga hadlay sidii Britain gacan uga siin lahayd Puntland xoojinta nabadgelyadda, kaalmooyinka bini’aadanimo, mashaariicda horumarineed, dimoqraadiyadda iyo sidii Britain u dedejin lahayd mashaariicda sanadkan la qorsheynayo in laga fuliyo Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahaceshay Britain dadaalka ay la garab taagantahay Puntland iyo weliba sida ay joogtadda uga qayb qaadato barnaamijyadda horumarineed.

Dhanka kale waxa uu caawa qaabilay Madaxweynaha Puntland wafdi ka socday hay’ adda FAO oo Puntland ka fulisa mashaariic la xiriirta xanaanada xoolaha, kaaluumeysiga iyo deegaanka.

Waxa hogaaminyay wafdiga madaxa FAO Somalia/Kenya Mr. Luca Alinovi, waxana ay warbixin ka siiyeen madaxweynaha mashaariicda ay fuliyeen kuwa ay wadaan iyo qorshayaasha soo socda.

FAO waxay balanqaaday sii wadida taageeradda ay Puntland siiso dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo sidii gacan uga gaysan lahayd ilaalinta deegaanka.

Sawirada hoos ka daawo

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland
UK5

UK4

UK3

UK2

UK1

UK

FAO4

FAO3

FAO2

FAO1

FAO


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles