Police Academy magaalada St. Paul oo ay mataanaha yihiin Minneapolis ayaa waxaa ka qalin jabiyey Gabdho soomaaliyeed kuwasoo si toosa ugu biiray Booliska St. Paul Police Departmen.
Khadra Maxamed waxay noqotey gabadhii ugu horeysey ee Soomaaliyeed ee ka qalin jabisa Iskuulka Booliska St. Paul, isla markaasna kamid noqota Bileyska Dalka Maraykanka, Khadra oo 21 jir ah waxay kasoo qalin jabisey East African Junior Police Academy waxayna qayb ka ahayd dhowr gabdhood oo Soomaali ah oo iyana dhigta Iskuulkaas lagu barto Boolisnimada, Waxaa iyana jira gabdho kale oo soomaaliyeed oo dhowaan ka qalin jabin doona kuliyada Booliska ee St. Paul.
Yuuki Cabdelle ayaa iyana kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee shahaadada ka qaatey kuliyada isla markaasna kamid noqdey Bileyska magaaladaan.