Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku yimid Imaaraadka Carabta

$
0
0

Warsaxaafadeed

Abu Dhabi, March 1, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta U.A.E.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey.

booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasada, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Sawirada hoos ka Daawo

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Abu Dhabi – UAE
Cabdiwali
IMG_8275 (2)

IMG_8260 (2)

IMG_8223 (2)

IMG_8212 (2)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles