Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay Qarax aan saas u wayneyn oo lala eegtey Gaariga Taliyihii badaley Alla ha u naxariistee taliyihii hore ee nabadsugida Jubbaland Ciise Kaaambooni, xiligaas taliyuhu ma uusan saareyn gaaraga , waxaana dhawac fudud kasoo gaaray sadex askari oo gaariga saaraa.
Qaraxa oo aan saas u wayneyn waxaa la qorsheynayay in lagu khaarajiyo Taliyaha cusub, nasiib wanaagse taliyuhu gaariga ma uusan saareyn xiliga la qarxiyey gaariga, askarta dhawacantay oo ahaa ilaalada taliyaha waxaa soo gaaray dhawac fudud, waxaana lagu daweyey Isbitaalka Kismaayo.
Sarkaal ka tirsan Dowlada Jubaland oo la hadley Puntlandi wuxuu sheegey in maalmajaan ay Ciidanka Amaanka Jubbaland ay wadaan howlgal xoogan kasoo guulo la taaban karo laga gaarey.
Puntlandi.com
Kismaayo