Kismaayo–25 Feb.2014–Puntlandi.com— Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hogaaminayo´ayaa maanta u dhoofey Dalka Kenya halkaasoo ay kulamo muhiim ah kula yeelanayaan Dowlada Kenya, Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Madaxweyne Xigeenka labaad ee Dowlada Jubaland Mudane Cabdiqaadir Luga-dheere, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Dowlada Kenya wuxuu kala hadlayaa Howlgalada lagu xoreynayo Deegaanada Jubaland guud ahaan iyo Isbadalka lagu sameyey Saraakiisha Ciidanka Amisom ee ku sugan Jubaland.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisu marka ay dhamaystaan Safarkooda Kenya waxay usii gudbnayaan Dalka Itoobiya oo ay iyana kala soo hadlayaan sidii Deegaanka Jubaland looga sifeyn lahaa Kooxda Al-shabaab iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen Ciidanka Jubaland iyo Ciidanka Itoobiya.
Waxaa iyana la filayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Adis Ababa kula kulmo Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hada ku sugan Jigjiga.
Puntlandi
Kismaayo