WAR-SAXAAFADEED
Axad 23 February, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa gaaray si diiranna loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo wafdigii Puntland ayaa waxa soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Amb. Wandhimo asaminow, Agaasimaha Hab-Maamuska Dalka Ethiopia, Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Axmed Cabdisalaan.
Socdaalka Itoobiya waxaa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda.
Casho sharaf ayaa caawa lagu martiqaaday madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo aan idinku soo gudbin doono faahfaahinta iyo sawiradda.
Sawirada hoos ka daawo
—Dhamaad—