Sawirkaan waa weerarkii maanta markuu dhacay oo Madaxtooyada laga sawiray meel fog xili qaac is qabsadey Qaraxyadii dhacau awgood
Weerarka maanta lagu qaadey Villa Soomaaliya ayaa khasaaraha ka dhashey uusan ahayn sidii la qiyaasayay marka loo eego awooda Weerarka, dhimashadu waxay u badan tahay ciidanka Dowlada, Waxaa ku geeriyoodey Agaasimihii Xafiiska Raysal wasaaraha, Taliyihii hore ee Nabad sugida, Askari Jabuutiyaan ah oo ka mid ahaa ilaalada Safiirka Jabuuti.
Madaxweynaha Amaankiisa waxaa la wareegey Amisom, lamana oga meesha la geeyey hada ma uu joogo Villa Soomaalia.
Dhawac badan ayaa iyana jira ay kamid yihiin koox xilædhibaano ah oo dhawacoodu fufu yahay, waxaa hada aad loo adkeeyey Guud ahaan amaanka Villa Soomaaliya, Ciidamada Amisom waxay xireen dhamaan Wadooyinka gala Villada.
Raysal Wasaaraha ayaa isna soo degaya maanta sidaas awgeed waxaa aad loo adkeeyey Amaanka inta u dhaxaysa Villa Soomaaliya ilaa Garoonka Diyaaradaham, Wadada Maka Al-muklarama waxaa lagu daadiyey Ciidan fara badan.
Puntlandi.com
Muqdisho