Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Wafdi la socda ayaa galabta booqaho ku yimid Magaalada Nairobi ka dib markuu soo dhameysyey booqasgafiisii Adis ababa iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa isla galabta kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta dalka iyo inta badan Xildhibaanada gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa danaha labada dal.
“ Waxaan aad ugu faraxsannahay socdaalka aan ku imid Kenya oo ah dal ay dano badan naga dhexeeyaan. Waxaan la kulmi doonaa madaxda ugu saraysa dalka Kenya oo aan kala hadlayo xoojinta iyo iskaashiga labada dale e dariska ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.