Agaasimihii Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa Iscasiley, Agaasimaha oo la hadley mid ka mid ah Howlwadeenada Puntlandi ayaa ka warbixiyey Iscasilaadiisa.
Agaasimuhu wuxuu sheegey inuu isu casiley arimo isaga u khaasa awgood isla markaasna wuxuu Agaasimuhu hoosta ka xariiqey inuusan jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxda ka sareeya.
Agaasimuhu wuxuu sheegey inuu warqada iscasilaadiisa u gudbiyey Wasiirka Waxbarashada iyo Madaxweynahaba uuna u sharaxay sababta uu shaqadisa u joojiyey, wuxuu Agaasimuhu sheegey oo raaciyey in ay Masuuliyiintu ka aqbaleen iscasilaadiisa.
wuxuu kaloo yiri ” Waxaa isoo galay safar dibada ah oo Waxbarasho hadey suurta gasho, Shaqadana waan sii heynayaa inta lasoo magacaabayo Agaasime cusub, Haba yaraatee ma jiraan wax xumaan ah oo nasoo kala dhexgalay Masuuliyiinta kale iyo aniga, waxaan isu casiley arimo iigaara oo shaqsiyeed, Wasiirka iyo Madaxweynahaba waan u sheegey wayna iga aqbaleen”.
Puntlandi.com
Garowe