Wasiirada Haweenka iyo Qoyska Puntland Drs. Anisa Cabdulqaadir oo maanta soo gaartey Puntland kanasoo degtey Gaalkacyo ayaa si heer sare ah loou soo dhaweeyey iyadoo kadibna loo galboyey Garowe, Wasiirada ayaa socodkeeda ka timid Minneapolis Dalka Maraykanka oo ay ka mid ahayd Qurba joogta Reer Puntland ee Maraykanka.
Drs. Anisa Cabdulqaadir Xaaji muumin oo Saxaafada la hadashey ayaa jeedisey khudbad aad u tayo sareysa tasoo muujineysa iney tahay Qof uu Madaxweynuhu kusoo xuley kharti, Aqoon iyo Howlkarnimo.
Wasiirada ayaa ugu horeyn u mahadcelisey Shacabka Gaalkacyo ee Gatroonka Diyaaradaha Abdullahi Yusuf Int. Airport kusoo dhaweeyey.
Wasiiradu waxay Mahad balaaran u jeedisy Madaxweyne Gaas xilka uu u magacaabey.
Wasiiradu waxay balan qaadey in Shaqo hufan ay u qabaneyso Bulshada Puntland, waxayna tiri “Wasaaradaan ma ahan oo qura wasaarada Haweenka ee raga xitaa way ku jiraan waayo Qoyskey qayb ka yihiin”.
Hoos ka dhagayso Khudbadihii laga jeediyey munaasabada soo dhaweynta Wasiirada iyo khudbadii Wasiiradaba.