Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Tabaraha kooxda Arsenal oo sarajooga ka dhacay ka dib markii kooxdiisa ay Liverpool ku garaacdey 5-1

$
0
0

Shalay (Sabti 8 feb.2014)ayaa Garoonka kubada cagta Anfield Road ay  kooxda Liverpool iyo Arsenal isku haleeleen ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska tasoo ay ka dhaceen wacdaro aan la fileyn ka dib markii kooxda Liverpool ay si jeesto jeesto ah ugu ciyaartey kooxda Arsenal oo maalmahaan hogaanka u heysay horyaalka Premie Leugue Ingiriiska.
Labaatankii daqiiqo ee u horeysey Ciyaarta ayaa Liverpool Afar gool dhalisey iyagoo goolal kalana sigay, Ciyaartaasi waxay ku dhamaatey 5-1 ay guushu ku raacdey Liverpool, laaakiin ciyaartu meeshaas kuma dhamaan, tabaraha Arsenal  Mr. Arsene Wenger wuxuu madax wareer iyo walwal farabadan ka qaadey sida loogu baashaaley kooxdiisa, taasoo dhalisey inuu sarajooga ka dhaco xili uu soogalayay Garoonka Diyaaradaha Liverpool ciyaartii ka dib.

Hoos ka daawo Sawida

arsenal 4arsenal

arsenal1

arsenal3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles