Wasaarada Arimaha dibada Maraykanka ayaa digniin culus oo ay ku sheegeen lama dhayalsanaad ka soo saarey safarada ay muwaadiniinta Maraykanku ku aadayaan soomaaliya, Warsaxaafadeed kasoo baxay WA Maraykanka ayaa si wayn loogu digey Muwaadiniinta Maraykanka ineysan aadin Soomaaliya hadey hada joogaana ay kasoo baxaan.
Digniintaan ay soo saareen Maraykanku ayaa lagu sheegey in Deegaanada hoos yimaada Dowlada Federaalka ay kusoo wajahan tahay khatar isugu jirta weeraro, afduub iyo isqarxin ay soo wadaan Al-shabaab, waxaa kaloo lagu xusey Digniinta in ay Al-shabaab ay deegaanadaas kasoo laba kacleeyeen ayna wadaan abaabul, sidaas awgeed Muwaadiniinta Maraykanka waa iney isagasoo baxaan deegaanada ay Dowlada federaalka iyo ciidamada amisom joogaan.
Digniintaan waxaa si toosa loogu xusey deegaanada Dowlada federaalka iyo Amisom , waxaana lagu carabaabay Qaybo kamid ah bartamaha Soomaaliya ilaa koonfurta.
digniinta waxaa ku xusun safaarada Maraykanka ee Kenya iney wixii taageero ah ula diyaar tahay Muwaadiniintooda jooga Koonfurta Soomaaliya.
Digniinta noocaan ah oo ah mida ugu darajada sareysa digniinaha reer Galbeedku isticmaalaan ayaa laga yaabaa iney iyana ku daydaan wadamada kale ee Reer Galbeedku, iyadoo badanaaba hadii Wadan reer Galbeed ah uu Muwaadiniintiisa kasoo saaro wadan khatar ka jirto ay wadamada kalena way ku daydaan.
Digniinta linkska hoose ka akhriso
Puntlandi.com