Waxaa dabayaaqada todobaadkaan Muqdisho ka dhici doona aas qaran oo loo sameyn doono alla ha u naxariistee Raysal Wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji xuseen.
Puntland waxaa aaska uga qayb galaya Wafdi balaaran oo uu hogaamin doono Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Wafdigu wuxuu ka koobnaan doono, Isimo, Wasiiro, xubno ka tirsan madaxdii hore iyo Xubno ka socda Madaxtooyada oo uu ka mid yahay Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Deeq Suleymaan.
Marxuumka ayaa meydkiisa laga soo qaadi doona Magaalada Minneaplis ee Dalka Maraykanka maalinta Arbacada oo beri ah.
Puntlandi.com
Garowe