Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Tareenada hoos mara ee London oo shaqaaluhu shaqo ka fariisi samaynayaan Talaadada iyo Arbacada

$
0
0

London–3 Feb.2014–Pi– Hadii aad tareenka hoos mara aad shaqada ama Iskoolka u raaci lahayd waxaa wanaagsan inaad hada qorsheysatid wadadii kale ee aad mari lahayd waayo shaqaalaha Tareenada Underground ka ayaa Mudaharaad shaqo fariisad ah sameynaya labada maalmood ee soo socda, laga bilaabo Talaadada 4 feb.2014.

Ururka Shaqaalaha ayaa go’aankaan gaarey ka dib markii uu maanta oo isniin ah uu burburay wada xaajood u socday Ururada Shaqaalaha Tareenada iyo Dowlada.

Shaqaalaha ayaa ka cabanaya ka dib markii Dowladu ay go’aamisey iney hoos u dhigaan Miisaaniyada Tareenada tasoo keentey in Shaqaale badan shaqada laga eryo, Taas badalkeeda ayay shaqaalihii iyana go’aan sadeen shaqo fariisi ay kaga cabanayaan Shaqaalaha la dhimayo.

Puntlandi
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles