Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka PL oo booqasho ku jooga Sweden(Sawiro)

$
0
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cafimaadka Puntland mudane Cabbdirisak Hirsi Hassan oo booqasho malmahan ku mareyey wadamada Finland iyo Sweden ayaa lagu soo dhowweyey magaaladda Gothenburg oo ah casimadda labaad ee dalka Sweden.
Agaasimaha inta uu joogey magaaladda Gothenburg waxa uu la kulmay madax ka tirsan gobolka Västra Götaland oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca caafimaadka.
Agaasimaha guud Dr Abdirisak Hirsi Hassan waxa kale uu xafiiskooda ku soo booqday hayadda qalabeeynta cisbitaalada dunida saddexaad oo ah hayad iswidish oo mudadanba uu ka dhaxeeyey heshiis qalabeeynta cisbitaaladda Puntland. Agaasimaha wuxuu hayadda uga mahadnaqay qalabkii tayada lahaa oo ay u soo direen cisbitaalka magaalada Bosaso. Isla markaana waxay ka wada tashteen sidii loo dardar gelin lahaa wejiga labaad ee mashruuca oo ah in la qalabeeyo 8 gobol ee Puntland. Hayadda waxay ballanqaadey in dhowaan Puntland soo gaarsiin doonto 4 kontaynar oo ah qalabka cisbitaaladda. Isla markaana ay tababari doonaan medical technician ku shaqeeyo qalabkaa.
Agaasimaha waxa kale uu la kulmay jaaliyadda puntland ee deggan magaaladda gothenburg ugana warbixiyey xaladda wadanka guud ahaan iyo gaar ahaan xaladda cafimaadka dalka.
Agaasimaha wuxu dhiirigeliyey qurba joogta reer Puntland iney ka qeyb qaataan  horumarinta iyo dibudhiska dalka.
Kulankana waxa uu ku dhamaadey jawi aad u wanaagsan.

humanbridge3

human bridge 4

sawiradii agaasimaha guud1

sawiradii agaasimaha guud2

sawiradii agaasimaha guud3

sawiradii agaasimaha guud7

sawiradii agaasimaha guud 4B

sawiradii agaasimaha guud 5

sawiradii agaasimaha guud 6

sawiradii human bridge1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles