Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in dhowaan ay Dowlada Kenya iyo Dowlada Puntland ay wadaagi doonaan Xiriir gaara oo Dublamaasiyadeed iyadoo Kenya ay dhowaan Qunsuliyad ka furan doonto Caasimada Puntland ee Garowe.
Lama shaacin Xiliga balse Dhowaan ayay Kenya ka furaneysaa Garowe Qunsuliyada.
Dhinaca kale Dowlada Turkiga ayaa iyana qorsheynaysa iney Qunsul ka furtaan Garowe.
Dowlada Itoobiya ayaa horey Sanado badan Qunsul ku lahaa Garowe kasoo sanadkii tagay ay usoo wareejiyeen dhamaan Howlihii Dublamaasiyadeed ee Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya, Waana xarunta Dublamaadiyadeed ee qura oo Itoobiya ku leedahay hada Soomaaliya.
Puntlandi
Garowe