Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Warsaxaafadeed+Sawiro) Gollaha Wasiiradda Puntland oo maanta la dhaarshay

$
0
0

Warsaxaafadeed

Sabti, Garowe, 01, 02, 2014- Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa maanta waxa lagu dhaarshay xubnaha wasiiradda dowladda Puntland oo todobaadkii tagay lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goob joog ka ahaa ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud.

Wasiiradda ayaa waxa dhaarshay garsoorayaal ka socday maxkamadda sare.

Kalmaddo dardaaran ah ayaa Wasiiradda loo soo jeedshay ,waxana uu Gudoomiyaha Barlamanku sheegay in mudanayaashu la xisaabtami doonaan xukuumadda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna kula dardaarmay wasiiradda inay daacadnimo ku shaqeeyaan islamarkaasina dhowraaan Kitaabka ay mareen maanta.

Ugu danbeyntii ayaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu wasiiradda cusub ee Puntland ku booriyay inay si hufan u qabsadaan shaqada loo igmaday, isagoo kula dardaarmay wasiiradda inay iska ilaaliyaan Musuq-maasuqa islamarkaasina ay dhawraan hantidda dadka iyo dalka.

Madaxweynuhu wasiiradda ayuu u sheegay inay shaqadooda u madax banaanyihiin islamarlaasina wixii talo ama taakulo ah ay diyaar ula yihiin, isagoo raaciyay inuu soo dhoweynayo la xisaabtanka Barlamanka xukuumadda muddo markii la joogoba.

-Dhamaan-
1
IMG_0197

IMG_0199

IMG_0209

IMG_0217

IMG_0219

IMG_0221

IMG_0224

IMG_0234

IMG_0238

IMG_0245

IMG_0253

IMG_0265

IMG_0269

IMG_0273

IMG_0278

IMG_0282

IMG_0284

IMG_0286

IMG_0291

IMG_0297

IMG_0303

IMG_0306

IMG_0314

IMG_0317

IMG_0324

IMG_0329

IMG_0331

IMG_0334

IMG_0343

IMG_0350

IMG_0352

IMG_0357

IMG_0358

IMG_0366

IMG_0369

IMG_0377

IMG_0378

IMG_0379


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles