Alla ha u naxariistee waxaa xalay Boosaso ku geeriyoodey Maxmed Maxamuud Ceynab oo caan ka ahaa dhinaca Wasaaradii Waxbarashada Dowladii Madaxweyne Maxamed Siyaad, Marxuumka ayaa mar ahaan jirey Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Bari.
Waxaa tacsi loo dirayaa dhamaan Ehelka,Qaraabada iyo Asxaabtii uu ka tagay MArxuumku, isagana waxaan illaahay uga baryaynaa jano waarta iyo dambi dhaaf
Aaamiiin. Aaaaaaaaaaaamiin
Hoos ka akhriso Tacsi ka timid UK iyo taariikhda marxuumka oo kooban
Ugu horeyn dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Somali advice and Information service waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum halyeey Maxmed Maxamuud Ceynab oo ahaa aabihii waxbarashada gobolka Bari. Marxuumku xaleyto ayuu ku geeriyooday magaalada Boosaaso. Allaha janatul ferdowsa ka waraabiyo, eheladiisii iyo bulshaa reer Puntland iyo guud ahaan soomaaliya waxaan leeyahay samir iyo iimaanba Allaha idinka siiyo..
Taariikh kooban halyeey Maxamed Maxamuud Caynab Allaha u naxariistee Maxmed Maxamed Caynab wuxuu ahaa aqoonyahan sare oo waxbarashada soomaaliya kusoo jiray muddo aad iyo aad u dheer. Wuxuu kasoo shaqeynayey waxbarashadii soomaaliya muddo ka baddan 40 sanadood. Wuxuu kasoo noqday gudoomiye waxbarasho gobol in ka baddan 10 goboladii soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa guddigii dajiyey manaahijta Soomaaliya oo ay Unesco u xilsaartay. Markii ay dhacday dowladdii dhexe oo uu bilowday burburkii dalkeena, wuxuu markiiba aaday oo uu isku dayey in uu waxweyn ka qabto waxbarashadii gobolka bari isagoo runtii meel fiican gaarsiiyay. Intii uu joogay gobolka bari wuxuu mar ka noqday gudoomiyihii waxbarashada Gobolka bari. Haddda xilligii ugu danbeeyay wuxuu ahaa gudoomiyaha iskuulada farsamada ee Puntland.
Caynab runtii wuxuu ahaa shaqsi waxbarashadii soomaaliya bal dahab ah ka galay islamarkaana wax baddan ka qabtay waxbarashadii dalkeena. Qaar kamid ah ardaydii uu soo gardaadsahy waxey ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi furfuran oo naxariis baddanaa. Allha u naxariistee halyeey Caynab taariikhdaa xusi doonta oo ummadda reer Puntland maanta waxaa ka tegay halyeey ay adag tahay in booskiis la buuxiyo. Allha u naxariisto oo janatul ferdowsa Allaha ka waraabiyo, eheladiisii, qaraabadiisii iyo dhamaan soomaali oo dhan waxaan leeyahay samir iyo iimaanba Allaha idinka siiyo.
Maamulka hay’adda Sominfos
Cabdixakiim Jaamac Jooje