Waxaa magaalada Uttrecht ee dalka Holland lagu qabtay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaasna lagu hanbalyeynaayo Madaxda cusub ee Dowlada Puntland ee Ugu Horeeyo Dr,Cabdiweli Mohamed Cali (Gaas) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xassan Shirre iyo Madaxweyne Ku/Xigeeen ka Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey,waxaa sida oo kale Ammaan iyo Mahadnaq loo soo Jeediyey Madaxdii ka Horaysay ee Ayagu sida sharafta leh ugu wareejiyey Xilka.
Xafladda ayaa waxaa soo Abaabulay Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar’ahaan Kuwa ayagu ka soo jeed deegannada Puntalnd,ayadoo lagu marti qaday Siyaasiyiin,wax-garad,aqoon-yahano,Fanaaniin iyo waliba Haween.
Inta ay xafladu Socotay ayaa waxaa Khadka Teleefoonka Uga-qayb-gaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleed ka Puntland Dr,Cabdiweili MohamedCali(Gaas),isaga oo u mahadceliyey Dadka soo Abaabulay iyo kuwii ka soo qayb gallay”waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan dadkii soo Abaabulay iyo Kuwa ka soo qayb galay intaba,waxaana idiin ka Codsanayaa in ay qurba joogto ay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo Hormarinta arrimaha bulshada.
Sida oo kale waxaa xafladda ka hadlay wasiirkii Hore ee macdanta iyo Biyaha ee Dowladii KMG ahayd Eng. Ahmed Mohamuud Xandulle,Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya in ay tahay midda kaliye ee aan ku gaari karno hor mar.”Dr Cabdiweli,waxaan Uga baranay in uu ahaa Masuul shaqo qaran Soo qabtay isla markaasna shaqadii uu soo qabtay ka soo dhalaalay,waxaan haddana ka raJeynayaa in uu tana ka soo dhalaalidoono.
Dadkii kale ee ka hadlay waxaa Ka mid ahaa Prof,Cumar Shire,Kaamil Xusein Cidi Libaax, iyo waliba Gudoomiyaha jaaliyadda DDS Ahmed Mukhtaar,Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Holland Dahir Kawer iyo waliba Gudoomiyaha Haweenka Holland ee Xisbiga TAYO Marwo Sahra Diiriye Gamaadiid.
Xafladaan ayaa waxay qayb ka tahay Xafladaha ka socda Dunida dacaleeda,Kuwaas oo loogu hanbalyeynayo looguna Ducaynaayo Madaxdii hore iyo Kuwa Cusub.
Sawirada hoos ka daawo
W/D/ CabdiXakiim Cabdi ismaciil
ilkadhagax@hotmail.com