Waayeel waxgarad haweenka dhalinayarada iyo waliba marti sharaf ka kala socotey dowlada britain ayaa xalay ka mid ahaa dadweynihii buux dhaafiyey millennium hotel oo ku yaala xaafada boqotoyadu dagto ee kensington ee galbeedka london
xafaladan ayaa waxaa aad iskugu soo duba riday haweenka jaaliyada puntland uk
sida xalay iiga muuqatey dadweynaha meesha kasoo qayb galay dhamantood waxay ahaayeen kuwo qireeysan oo aad ugu faraxsan horumarka weyn ee ay gaartey puntland iyo habka maamul kala wareeged ee ay ku talab satey puntland taas oo la barbar dhigi karo habka ay u dhaqmaan dowladaha horumaray ee reer galbedka ah
dhanka jaaliyadaha kale ee somaliyeed ee wadankan Uk ku dhaqan waxaan xalay indhahayga ku arkey dad qiireysan oo kasoo jeeda maamul goboleed yada kale ee somaliyeed kuwaas oo farxad darteed la jibeeysnaa madaxweynaha cusub ee puntland
ha ahaato galguduud dhuusamareeb caabudwaaq hobyo gedo jawhar baladweyn iyo meelo kala oo kasii fogba madaxdoodii ugu cadcadeyd baan xalay meesha ku arkayey isla markaana la dhacsanaa dorashaa madaxweyne gaas
Video-ga ka daawo Sawirada hoostooda
Abdirahman mohamed
London Uk