Agasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland mudane Dr. C.Risaaq Xirsi Xassan waxuu safarkiisa Finland ku saabsanaa sidii loosoo geba-gebayn lahaa mashruuc caafimaad oo ay si wada jir ah u wadeen wasaaradda caafimaadka Puntland, wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland iyo hay-adda IOM oo iyadu masuul uga ah Filnad sidii mashruucu uga fuli lahaa meelaha loogu talagalay oo ah Puntland iyo Somaliland. Mashruuca oo socdey muddo aan ka yarayn afar sano ayaa u jeedka ugu weyni ahaa sidii aqoonyahannada Soomaaliyeed ee wax ku bartay kana shaqeeyaa Finland iyo kuwa Finnishka ahiba ay aqoontooda uga faa-iideyn lahayeen hay-adaha kala duwan ee Puntland, gaarahaan wasaaradda caafimaadka.
Waxaa kale oo safarka agaasimuhu ahaa sidii uu uga qayb qaadan lahaa furitaanka mashruuc cusub oo la mid ah kii lasoo gaba-gabeeyey soconna doona saddexda sano ee soo socota.
Arrimahaas shaqo ka dib agaasimuhu wuxuu la shiray habeenkii Sabtiga 25.1.2014 jaaliyadda Puntland ee ku nool wadankan Finland oo si aad ah usoo dhaweysey agaasimaha. Agaasimaha oo warbixin qaaliya goobta kasoo jeediyey, kana warbixiyey guud ahaan waddanka Puntland gaar ahaanna caafimaadka wadanka oo uu si aad ah ugu dhuun duleelay. Agaasimuhu wuxuu sheegay in uu Finland uga mahad celinayo sida wanaagsan ee
ay dadka Soomaaliyeed ugu marti galiyeen wadankooda, wax u bareen, dabadeedna dib ugu celiyeen aqoontooda wadankii si ay ugu faa-iideeyaan dadkooda. Wuxuu kaloo aad ugu mahad celiyey aqoonyahanadii kasoo shaqeeyey mashruucan oo isku taxalijiyey sidii ay wax ugu qaban lahaayeen walaalahooda ku sugan waddankii, weliba iyagoo haystey shaqo wanaagsan iyo mushaar ka badan kan wadankii ay ka helayaan.
Agaasimuhu wuxuu kula dar-daarmay jaaliyadda in ay ka qayb qaataan mashruuca cusub oo bilaabanaya bisha saddexaad ee sanadkan. Wuxuu kaloo kula taliyey inay ay samaystaan guddi qaabilsan isku xirka iyo wada shaqaynta Finland iyo Puntland oo uu sheegay in ayaguna dhankooda samayn doonaan guddi, marka u tago Puntland.
Ugu danbayntiina is dhaafsi su-aalo iyo jawaabo, waxaa si farxadi ku jirto loosoo gabagabeeyey shirkii oo socdey muddoo saddex saac ah.
Jaaliyaadu waxay u mahad celinaysaa dhammaan kasoo qayb-galayaashii shirka rag iyo dumarba sida sarafta leh iyo isku duubnida ee ay usoo dhaweeyaan madaxdooda iyo sida ay mar walba uga war hayaan waddankooda.
Jaaliyaddu waxay si gaar ugu mahad celinaysaa C.Fitaax Jannagale oo isagu isku dhabar jabiyey sidii uu shirkani ku qabsoomi lahaa iyo weliba in la helo goob lagu shiro.
Waxaan ugu danbayn u mahad celinaynaa Siciid Jaamac Guuleed oo ah madaxa mashruucan hadda dhammaaday iyo midka cusub ee bilaabanaya. Waxaan uga mahad celinaynaa soo dhawayntii qiimiga lahayd ee uu u sameeyey agaasimaha iyo guud ahaan sida uu u danaynayo in mashaariic noocaan ahi ka fusho Puntland.
Sawirada hoos ka daawo
Mahadsanidiin
C.Fitaax Jannagale (Madaxa Jaaliyadda)
Dr. Aalto Cali Aar (Aqoonyahan)