Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawirro) Dowlada Puntland oo soo bandhigtay qalab laga sameeyo waxyaabaha qaraxa oo ay kuso qabatay hawlgalkii Galgala

$
0
0

Bosaso–26 Jan.2014–Pi– Sii hayaha xilka Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa maanta si wada jir ah Saxaafada ugy soo bandhigay qaraxyo diyaarsan,Rasaas,Dawooyin,agab laga sameeyo walxaha qaraxa,Raashin,Dawooyin,Soolaro iyo agab kale,kuwaas oo ciidamada qalabka sida ee Puntland ay kuso qabteen hawlgal balaaran oo ay shalay ka sameeyen deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ciidamada qalabka sida ee Puntland,kuwaas oo uu sheegay inay guteen waajib Qaran.

Muxyadiin Axmed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga Puntland ay si dhow ula socdaan amaanka Gobolada Puntland.
Sii-hayaha xilka Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa masuliyiintii la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in dowlada Puntland ay si wadayso dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Cabdijamaal Cismaan ayaa EEBE uga baryay askarigii hawlgalka kaga dhintay dowlada inuu Janada ka waraabiyo,isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelada iyo Qaranka Puntland ee uu ka geeriyooday.

Si kastaba ha ahaate,arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli Shalay Ciidamada amniga Puntland ay hawlgal balaaran ka sameeyen Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Sawirada hoos ka Daawo.

www.puntlandi.com.

DSC01354

DSC01379

DSC01373

DSC01367

DSC01356

DSC01363

DSC01365

DSC01366

DSC01355

DSC01349

DSC01348

DSC01329

DSC01333

DSC01343

DSC01343 (1)

DSC01327

DSC01379

DSC01373

DSC01367

DSC01366

DSC01365

DSC01363


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles