Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin… Madaxweyne Gaas oo Golaha wasiiradiisa ku dhawaaqaya Talaadada 28 janaayo

$
0
0

Garowe–26 Jan.2014–Pi–Warar rasmi ah oo Howlwadeenada Gaas iyo CameyPuntlandi heleen waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu Golihiisa Wasiirada soo bandhigi doono Maalinta Talaadada 28 janaayo 2014.

Inkastoo aanan Magacyada Golahaha Wasiirada helin hadana sida aan wararka ku heleyno Golaha Wasiirada waxay ka koobnaanayaan 13 nin iyo laba Dumara iyo laba Wasiir u Dowlo.

Inkastoo aan horey u shaaciney in Cali Xaaji Warsame Wasiir noqonaya hadana warar aan rasmi ahayn oo aan hada heleyn waxay sheegayaan in Cali Xaaji uusan Wasiir noqoneyn.

Wasiirka Waxbarashada xukuumadii Madaxweyne Faroole isagu wali waa la hadal hayaa inuu wasaaradiisa sii wadayo.

Axmed Karaash iyo Biindhe ayaa iyana la hadal hayaa in midkood Wasiir noqonayo.

Marwada Puntland Caasho Geele iyada waxaa naloo Xaqiijiyey ineysan Wasiir noqoneyn balse waxaa jira meel kale oo balan qaadyo loogu sameeyey.

Wasiirada cusub ee Xukuumada Madaxweyne Gaas waxay 70% noqonayaan Shaqsiyaad Qurbaha ka yimid awood iyo aqoon sarena leh.

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles