Sabti, Garowe, 25, 01, 2014. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garowe wafdi ka socday Midowga Yurub uuna horkacayay Safiirka EU Somalia u fadhiya Amb, Michele Cervone.
Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakin Cabdulaahi Cumar iyo agaasimayaasha madaxtooyada ayaa kala qaybgalay kulankan ay la socdeen dhanka EU safiirka Talyaaniga Andrea Mazzela, wakiilo ka socday safaaradaha Sweden, Norwey, UK iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.
Madaxweyne Gaas ayaa kala hadlay wafdiga EU dardargelinta mashaariicda ay ka wadaan deegaanada Puntland iyo weliba inay gacan ka siiyaan dhamaystirkooda.