Garowe–22 Jan.2014–Pi– Madaxtooyada Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahaan aad u mashquulsan iyadoo Madaxweynaha iyo la taliyayaashiisa khaaska ay wadaan wada tashi iyo kulamo, Waxaa kaloo Madaxtooyada buux dhaafshey Qurba joog gacanta ku wata Faylal ay ka buuxaan Waraaqo CV-goodu ku jiro, kuwasoo doonaya iney shaqo ka helaan xukuumada cusub ama ka dhexmuuqdaan Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Gaas.
Warar hoose oo howlwadeenada Puntlandi heleen waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu horey u qorsheeyey inta badan Golihiisa wasiirada balse ku dhawaaqidooda iyo dhamaystirkooda lala sugayo qaar ka mid ah Wasiirada Cusub oo wali Dalka ka maqan.
Wararka kaloo aan heyno waxaa ka mid ah In Cali Xaaji Warsame, Shire Xaaji Farax oo kamid ahaa Murashixiintii lasoo tartamay Madaxweynaha iyo Cabdi Faarax Juxa Wasiirkii Waxbarashada ee Xukuumadii Dr. Faroole ay Wasiiro ka noqonayaan xukuumada Cusub ee Madaxweyne Gaas.
Haweenku waxay helayaan laba Wasiir iyo dhowr wasiir ku Xigeen waa sida aan xogta ku helney, Suuqyada Garowe iyo Gaalkacyo waxaa aad loo hadal hayaa in Marwo Caasho Geele ay Wasiir ka noqoneyso Xukuumada cusub balse wararka ay Puntlandi hayaan waxay sheegayaan in Caasho Geele aysan ka mid noqoneyn Wasiirada Cusub, Labada Wasiir ee Dumarka waxaa helaya laba Dumar ah oo Qurba joog ah kuwasoo aanaan magacyadooda hada heyn .
Wararka kale ee aan heyno waxaa kamid ah in Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Faroole uu kasoo noqonayo oo qura Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa.
Wasiirada cusub waxay u badnaanayaan Aqoonyahayno Dalka dibadiisa ka imaanaya, Badankooda Madaxweynuhu wuxuu kusoo xulanayaa aqoon dheer oo u leeyahay.
Wararka aadka ugu dhow Madaxtooyada waxay sheegayaan in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqayo ka hor inteysan dhicin Xaflada caleema saarka oo dhacaysa sida la qorsheeyey Galabta Jamcada 24 janaayo 2014. tasoo ka dhacaysa barxada Madaxtooyada.
Puntlandi.com
Garowe
Garowe