Warar ka aan ka heleyno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay kooxo Dabley ahi weerareen Isbitaalka SOS, iyagoo goobtaas ku diley illaaladii Isbitaalka ka dibna kala baxay Isbitaal Dhakhaatiir aan tiradooda la shaacin, Sida aan Warar ka ku heleyno ilaa hada ma cada cida ay yihiin Maleeshiyaadka weerarka geystey.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Isbitaalkaan ay waayadaan dambe ka socdeen Rabshado siyaasadeed, iayadoo horey buuqyo iyo warbixino kala duwan ugasoo baxeen, Madaxda Isbitaalka ayaa la sheegey in lagu eedeeyeyo iney ka qayb qaataan Rabshadaha ka dhaca Muqdisho sababtoo ah Waxay dhaqaale farabadan ku heleen bukaanka ama dhawacyada lasoo seexsho Isbtitaalka, tasoo macneheedu yahay Hadii Isbitaalku uu bukaan ka buuxo kaasada Madaxda Isbitaalkana lacag ayaa ka buuxda.
Illaa hada makala cada weerarka maanta inuu la xiriiro eedeymo horey loosoo jeediyey Maamulka Ibitaalka oo badankoodu deegaan ahaan saldhegeen Dalka Kenya.
Puntlandi.com
Muqdisho