Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Kulan maanta ka dhacay Garowe oo Madaxweyne Gaas uu sharaxaad dheer ka bixinayo Dowlad wanaaga iyo sida loo dhiso haykal dowladeed

$
0
0

Gaas iyo Camey
Garowe– 15 Jan.2014-pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Xigeenka Puntland Ing. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta ka qaybgalay Dood Cilmiyeed lagu qabtey hoolka shirarka ee Hay’aa Cilmi Baarista Puntland PDRC ayna soo qaban qaabiyeen Masuukiyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa iyo Wasiiradii hore ee Qoyska iyo Haweenka Marwo Caasho Geelo ayna kaso Qaybgaleen Masuuliyiin Aqoon yahano iyo waxgarad.

Madaxweynaha ayaa fasiraad iyo sharaxaad dheer wuxuu ka bixiyey talooyinkii iyo su’alo loo soo jeediyey, isagoo xusey in Dowlad wanaaga ay tahay shaqada uu soo bartey.

Khudbadaan waa khudbad taabanaysa hamiga iyo howsha uu Doonayo inuu Madaxweyne Gaas u qabto shacabka Puntland isagoo hadalkiisa laga dhadhan sanayo iney Puntland ku taagan tahay wado horumarineed.

wuxuu kaloo Madaxweynuhu hoosta ka xariiqayaa inuu doonayo inuu Musuqmaasuqa ka jira Puntland uu gaarsiiyo Zero, Amaanka ayuu isna ka hadley wuxuuna yiri “Amaan iyo ciidan waan heysanaa maanta laakiin waxaa ka dhiman oo qura in la tayeeyo”

Hoos ka dhagayso khudbada Madaxweynaha


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles