Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo aan wali u guurin Madaxtooyada

$
0
0

madaxtooyada PL G
Ka dib markii Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole uu furaha Madaxtooyada ku wareejiyey Madaxweynaha Cusub Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ayaa Madaxweynaha cusub uu san Xalay u hoyan Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynuhu uu Xalay seexdey Gurigii uu horey u Deganaa oo amaankiisa ay aad u illaalinayaan Ciidamo khaasa.

Waxaa hada Madaxtooyada Puntland (Puntland State House) ka socda Abaabulka iyo u diyaarinta Madaxweynaha Cusub Mudane Gaas oo maanta ama beri usoo guuri doona, Madaxweynuhu wuxuu hada shaqada ka wadaa Gurigii uu horey u daganaa ilaa inta Madaxtooyada uu ka gaaraya.

Shaqaalaha khaaska ah ee Madaxtooyada oo uu hogaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Deeq Sulaymaan Yuusuf ayaa ku howlan in sida ugu dhakhsaha badan uu Madaxweynuhu usoo dego Madaxtooyada halkaasna shaqadiisa ka bilaabo.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horey u sheegey inuu Golihiisa Wasiirada kusoo magacaabi doono 21 cisho oo laga bilaabo maalintii la dhaariyey ayaa waxaa hada u haray 13 cisho oo qura.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles