Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faalada maanta + Dhagayso Khudbadihii Xilwareejinta Madaxtooyada Puntland oo dhamaystiran + Sawiro

$
0
0

Shalay 14 janaayo 2014 waxay ahayd maalin taariikhi ah Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ahaa nin Qaali ku ah shacabka Puntland ayaa xilkii Hogaaminta Puntland wuxuu ku Wareejiyey Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof. cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ah gacanta kaliya ee maanta lagu aamini karo Hogaanka Puntland, waa maalin taariikhi ah waxaana taas ka markhaati ah khudbadihii qiimaha badna ee ay kala jeediyeen labada Masuul, Madaxweyne faroole wuxuu yiri “Kuwii jeclaa inaan meesh ka tagoow, ogaada waxaa yimid oo i badalay nin anoo kale ah oo aydaan geed ka ag jabsan karin, meeshana kasii wada howshii”

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo ah nin aqoon iyo karti maamul leh Mudane Prof. Gaas wuxuu isna yiri “Waxaan ka markhaati ahay inaan maanta la wareegey Dowlad kaabiyadeedii oo dhan u dhan yihiin, waan u Mahad celinayaa Madaxweyne faroole, kamana maarano oo wuu nala joogayaa”.

Tan iyo Markii la doortey Madaxweyne Gaas waxaa Madaxtooyada Puntland ka socdey kulan albaabadu u xiran yihiin oo dhexmarayay labada Mdaxweyne kulankaas waxaa lagu qiimeeyey mid xil kala wareegsi, wada tashi, is cafin hadaladii ololaha doorashada, waxaan iyna meesha ka maqneyn Dardaaranka Madaxweyne Faroole uu la dardaarmay Madaxweynaha cusub isagoo tusey carqabadaha horyaal Puntland iyo cadowga Puntland taasoo uusan dabcan mooganayn Madaxweyne gaas balse waxaa la iska waraystey waxyaabo badan oo aan lasoo koobi karin.

Dhamaan Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Puntlandi iyo akhristayaashuba waxay Mahad balaaran u jeedinayaan Madaxweyne faroole wada shaqayntii shantii sano ee lasoo dhaafay iyo Wakhtigii adkaa ee Madaxweyne aad adiga iyo Puntland soo wada marteen. Waxaan la ilaawi karin Doorashada Xalaasha ah oo Aduunka oo dhan gilgishey sidaad uga qayb qaadatay , una aqbashay natiijadii.

Hoos ka dhagayso Khudbadihii oo dhamaystiran iyo Sawiro

Khudbadii Madaxweynihii hore Dr.Faroole

Khudbadii Madaxweyne Gaas

http://bosaso.puntlandi.com/#!album-161


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles