Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ergaygga Qaramadda Middobay u Qaabilsan Soomaalia oo ka hadly  Xil- ama Awood Wareejinta  Puntland 

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

02/2014 

Muqdisho, 12 Jenaayo 2014- Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayah Guud ee Qaramaddakay Midoobay u Qaabilsan  Soomaalia, Nikolas Kay, ayaa maanta ku baaqay in la dhowro xasiloonidda iyo kala-dambaynta  ka jirta Buntland.

Sidoo kalena, Ergaygga waxaa uu ku baaqay in la dhowro sidii nabad loogu wareejinlahaa  maamulka ama (awoodda)  Buntland , ka dib markii ay dhacday doorasho 8 Jenaayo 2013.   

“Xubnaha ku jira Baarlamanka Buntland ayaa  muujiyay tusaale aad muhiin u ah muddo laga joogo dhowr- maalmood. Tusaalahaas oo kuqotomay doorasho u dhacday si ay ku dheehantahy nabad,  hufnaan iyo xasilooniba.

“Waxaan boogaadinayaa dhaqanka  Hogaaminimo ee uu muujiyay Madaxwaynaha xilka wareejiyay ee Faroole. Waxa kale oo aan boogaadinaya sida wanaagsan ee uu xilka ama awooda  u wareejiyay,” ayuu yiri Kay.     

“Waxaa i dhiiri geliyay balan-qaadka uu bixiyay Madaxwaynaha la doortay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaas oo sheegay in uu qaadi doono talaabooyin muhiim ah oo wax looga qabanayo arrimaha   khuseeya ciidamadda Amniga ee Gololka-Buntland.

Dhamaan Ciidamadda Amnigga iyo Shaqaalaha Rayadka ah waa in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ayadda oo la eegayo danta dadka reer Buntland.
Hantidda Qaranka waa in la dhowraa, lagana bixinin halka ay taasho”, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah, Kay.  “Nabadda ka jirta Buntland iyo dhismaheeda dowladnimo si wanaagsan ayay horumar u samaynayaan.

Waana in ay kooxi ama shaqsiyaad carqaladaynin amniga iyo horumarka,” ayuu riri Kay.   “Qaramadda Midoobay iyo saxiibayaasheeday oo ay ka midyihiin IGAD iyo EU ayaa  sii wadi doona la socoshada xaaladda (ka jirta Buntland), waxayna kaalmayn doonana dadka iyo hogaanak ka jira Buntland wakhtigan addag ee hadda lagu jir”

UNSON MOGADISHO SOMALIA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles