Garowe–11 Jan.2014–Pi– Waxaa Caasimada Puntland ee Garowe ka socdo howlo Xoogan oo Madaxdii Hore iyo Madaxda Cusub ay Hogaanka Dalka kula kala wareegayaan si tartiib tartiib ah waxaana la wadaa in si buuxda ay ulakala wareegaan Maalinat Isniinta.
Maanta Waxaa Madaxtooyada Puntland ku kulmey Madaxweynaha Cusub Prof. cabdiwali Maxamed cali gaas iyo Madaxweynihii hore Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed, inkastoo kulankoodu ahaa mid aysan saxaafadu la socon hadana Warar hoose oo howlwadeenada Puntlandi heleen waxay sheegayaan in ay labada masuul isku afgarteen in Xilka ay lakala wareegaan Isniinta, si Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisu ay u bilaabaan howlihii shacabka Puntland u igmadeen, waxaana hada socda Dadaalo loogu jiro sidii Xukuumada cusub ay xafiiska ugu wareegi lahayd.
21 bishaan Janaayana waxaa lagu wadaa in la qabto Xaflad balaaran oo Xilkala wareejinta ah, taasoo lagu casumi MAsuuliyiin isugu jira Soomaali iyo ajnabi, sida ay Puntlandi warka ku heleena waxaa qaban qaabada iyo Masuuliyada Xaflada gacanta ku heynaya Masuuliyiinta cusub.
Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed cali Gaas oo shalay la hadley Hay’adaha Dowlada wuxuu faray in shaqsi walba uu shaqadii uu hayay uu sidii loogu tala galay u wata, qofwalbaana masuul ka yahay Hantida iyo shaqada uu Qaranka u hayo, Ciidamada amniga wuxuu Madaxweynuhu faray iney iyana kasoo baxaan howsha loo xilsaaray ayna ilaaliyaan Gaadiidka iyo Qalabka Ciidanka.