Warar aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweynaha Cusub Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay xilka lakala wareegayaan 21 Janaayo.
Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galayaan Isimada, Masuuliyinta Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa qabanqaabadeedu socotaa.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole ayaa la filayaa inuu xaflada ka jeediyo Khudbad dheer oo lawada sugayo.
Madaxweyne Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isna soo gudbin doona khudbadiisa uu xilka kula wareegayo.
Puntlandi
Garowe