Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ogaysiis ku socda Jaaliyadaha Puntland iyo Shaqsiyaadka gaarka ah ee Hambalyada u diraya Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweynaha Xilka Wareejinaya

$
0
0

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Faroole

Puntlandi TEAM waxay ku wargalinayaan Jaaliyadaha Puntland iyo Shaqsiyaadkii hada nasoo gaarsiiyey Hambalyooyinka ku socda Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Puntland iyo Madaxweynihii xilkiisu dhamaadey in 8 janaayo ay ahayd maalin ay howlwadeenada Puntlandi aad u mashquulsanaayeen, sidaas awgeed waan ka xunaha inaanaan daabicin hambalyooyinkii nasoo gaaray, waxaan wakhtiga galiney Wararka oo aad u muhiim ahaa, waxaan hada sameyney Howlwadeeno u gaara daabacaada Hambalyooyinka sidaas awgeed wixii Hambalyo iyo bogaadin ah waxaa lagu dirayaa Emailkaan hoose.

2014@puntlandi.com

Xasuuso hadaan Emailkaaga helno oo aad saxdey qoraalka emailka waxaad durba heleysaa jawaab cadeyneysa inaan helney Emailkaaga, hadii aadan helin jawaabta cadeynaysa  in ay Hambalyadaadu nasoo gaartey mar labaad soo dir.

Jaaliyadihii shalay ilaa maanta soo direy Hambalyooyinka waxaan ka codsaneynaa iney marlabaad kusoo diraan Emailkaan kore, waayo awal waxaad u dirteen Emailo isla Puntlandi ah balse howlo kale ku mashquulsan.

Wargalin gaara:- Hambalyooyinka ka imaanaya Dadka shaqsiyaadka ah fadlan ma aqbalayno inaan daabacno, Hadii Hambalyo ka timaado shaqsi gaara waa inuu shaqsigaas noqdaa qof Bulshada Wax u soo qabtey ama Qof caan ah oo lawada yaqaan. qofkii shaqsi ah ha lawadaago hambalyada Jaaliyada uu ka tirsan yahay(Magaalada uu degan yahay) oo wada jir ahaan haloo soo diro.

Dhamaan jaaliyadaha waxaan ku wargalineynaa in aan daabacayno oo qura Hambalyadii lagusoo diro Emailkaas kore.

Wixii kale oo ku saabsan Puntlandi la xiriir.

post@puntlandi.com

Garowe@puntlandi.com

bosaso@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles