Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawirada Magaalada Baargaal oo laga dabaal dagay markii uu Madaxweyne Gaas guuleystey

$
0
0

Magaalada Baargaal ayaa maantay si wayn oo aan horay loo arag loogu
dabaaldagay kadib markii lagu dhawaaqay in C/wali maxamed Cali gaas
ku guulaystay Madaxtinimada Puntland 5ta sano ee soo socota.

Dadwayne Gaaraaya boqolaal ayaa isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee
Degmada Baargaal kuwaas oo u dabaaldagaayay soo dhawaynta madaxwaynaha
cusub ee puntland C/wali maxamed cali gaas.

Dadwaynaha ayaa socod ku kala bixiyay magaalada Baargaal gudehaada
ayagoo ku dhawaaqaayay ereryo isugu jira hambalyo iyo soo dhawan iyo
isbadal in loo baahnyahay.

Waxaa sidoo kale ka muuqday wajiyada dawyanaha dabaaldagaayay sida ay
ugu faraxsanyihiin sida wanaagsanayd ee habsamida lahayd ee doorashadu
ugu dhacday ayagoo taas ku amaanay Barlmaanka cusub ee puntland.

Maxamed ibraahim axmed -Baargaal
SAM_0446-765097

SAM_0447-766705

SAM_0463-768772


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles