Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof. Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa amaankiisa waxaa la wareegey Ciidanka amaanka Puntland iyadoo guriga uu Madaxweynuhu ka degan yahay Garowe iyo aaga u dhow ay Ciidamo isku gadaameen, Waxaana dariiqyada la dhigey jaagboontiyo.
Madaxweynaha la doortey Prof. Gaas ayaa inta uu xilka la wareegayo lana dhaarinayo wuxuu sii deganaanayaa gurigaas.
Madaxweynaha laga adkaadey Mudane Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed Faroole ayaa sii deganaanaya Madaxtooyada inta xilwareejintu ay dhacayso.
Guud ahaan Puntland waxaa laga dareemaya Doorashada iyo jawiga qurxoon ee Murashixiintii ku hardameen iyo Guusha uu gaarey Prof. Gaas.
Magaalada Ganacsiga ee Bosaso ayaa Caawa si weyn looga dareemaya Jawiga Doorashada.
Caasimada Garowe oo maalmahaanba ay ka socotay feystada ololaha Doorashada oo kumayaal qof oo martiya la ciirciireysa ayaa wali waxaa ka socda naacawda Doorashada iyo Isbadalka ka dhacay Caasimada, Goobaha lagu shaaheeyo ayaa galabta aad u camiraa waxaana la hadal hayay laba nin oo qura, Kuwaasoo ahaa Madaxweymaha cusub iyo Madaxweynihii hore oo labadaba lagu amaaney Baratankii ay galeen iyo jawigii ay kusoo kala adkaadeen.
Magaalada Gaalkacyo ayaa iyana laga dareemayaa saxada isbadalka hogaanka puntland, Waxaana aad loosoo dhaweeyey Madaxweynaha cusub oo isagu socodkiisii ololaha Doorashada ka bilaabey Magaaladaan.
Beesha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa iyana wakiilo ka socdaa ay markhaati ka ahaayeen Doorashada taariikhiga ah ee ka dhacdey
Puntland, waxayna durba bilaabeen hambalyen.
Puntlandi
Garowe/Bosaso