Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee New Zealand oo soo dhawaysay Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka.

$
0
0

jaaliyada Qurba-joogta Puntland ee dalka New Zealand  (Puntland Diaspora Forum  New Zealand) waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqida xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Dawlada Soomaaliyeed Puntland.

Jaaliyadu waxay si gaar ah uga hambalyaynaysaa dhamaan reer Puntland meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan Isimadda, Musharaxiinta, Culuma-u-diinka, ciidamada Qalabka sida, Aqoonyahanka iyo shacab waynaha, dadaalkii ay mudada ugu jireen inay mar kale yeeshaaan Golle baarlamaan.Waxa kale oo aanu si gaar ah ugu mahad celinaynaaa, hawshii adkayd ee ay qabteen, guddigii xalinta Kilaafaadka iyo Asixinta baarlamaanka Puntland oo mudo ku hawlanaa soo xulida xildhibaanada Baarlamanka iyo xal u raadinta arimahii la isku khilaafayay.Hambalyo taasi la mid waxay Jaaliyadu u diraysaa, Xildhibaannada cusub ee ay yeelatay Dawlada Soomaaliyeed ee Puntland waxaana  rajaynaynaa inay noqdaan kuwa guta waajibaadka ay Bulshadu u wakiilatay, Eebana waxaan uga baryaynaa inuu u sahlo halwlaha sugaya.

Hassan abdi nuur Gudoomiyaha   Jaaliyada

Cabdirahman (Jananka) Af hayenka Jaaliyada
Ahmed siciid yontoy, Xoghaeynta Jaaliyada
Bashi shire, Xubin

sharmarke ali elmi, Xubin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles