Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xildhibaannada cusub ee Puntland: Ha Il-duufina! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Waxay ahayd  arrin la filan karo in Puntland ay si fudud uga soo gudubto marxaladda soo xulidda xubnaha xil-dhibaannada oo iyadu ugu adkayd xilliga kala guurka, waxayna ahayd tijaabo dad badan indho gaar ah ku  eegayeen, sida ay ku soo dhammaatayna waxay ahayd  astaan fiican oo tilmaamaysa  tayada wanaagsan ee lagu yaqaan qofka Soomaaliga ah sinjigiisa! Waa Alle mahaddii, waxaana muuqata  saansaan qurux bdan oo ah in Puntland ay u gudbi karayso hannaanka  xizbiyada badan.

Waxaan shaki ku jirin in hawl adag laga soo maray soo xulidda xil-dhibaannada, waana hubaal sida lagu yaqaan dabeecadda arrimahan oo kale in dad badan wax tirsanayaan ama aysan ku qanacsanayn qaabka xulidda xubnaha xil-dhibaannada, waxaase muhiim ah in si wanaagsan ay ku soo dhammaatay marxaladdaas iyadoo dhinacyadii ay khuseysay aysan

waxba isku qabqabsan ama aysan hadda isku haysan.Waa Alle mahaddii, waxaa sida arrimuhu u dhaceen runtii ammaanteeda leh guud ahaan shacabka reer  Puntland, madax-weynaha, guddiga xallinta iyo soo xulidda xil-dhibaannada, Isimmada, iyo murashaxiinta tartamaya, waxaana xusid gaar ah mudan in laga maarmay ama aan loo baahan fara gelin  waxa loogu yeero Beesha Caalamka(haba ugu horeeyo Nicholas Kay), waxay tani horseedaysaa ama keeni karaysaa  isku kalsooni mujtamaca reer Puntland dhexdooda ah iyo in himmad aad u sareysa  ay xil-dhibaannada cusub ku gutaan hawlahooda.Wali, ilaa inta ay ka dhacayso doorashada madax-weynaha iyo madax-weyne-ku-xigeenka Puntland walaac baa jira, laakiin sida muuqata waxay dadka Soomaaliyeed ku kalsoonyihiin in qaab-samida lagu soo xulay  xil-dhibaannada cusub ay qasab ka dhigayso inay dareemaan lahaanshaha xilka loo soo xulay oo ah inay ku hadlaan afka shacabka reer Puntland oo iyagoo aan soo dooran markay odayaashoodii dhaqanka u soo xuleen ku aaminay inay codkooda ku hadlaan!….

Waxaa idin hor yaala inaad ummadda reer Puntland u doortaan  hoggaamiye lagu aamini karo aayaha hoggaanka siyaasadeed ee Puntland isla markaasna waxa ka dhisi kara Soomaaliya!…waxaan rajayniyaa inaad baaritaan samaysaan muddada yar ee aad haysataan, waayo murashaxiinta faraha badan ee tartamaya waxay u baahanyihiin inaad qiimayn ku samaysaan.

Puntland maanta waxay maraysaa heer  aad u wanaagsan waxaan ka marqaati kacaya tirada murashaxiinta isu soo taagay xilka madax-weynenimo ee maamulka Puntland, kuwaasoo waliba in badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen qurbaha, Cabdi-Wali Max’ed Gaas  heer ra’iisal wazaare ayuu Soomaaliya ka gaaray maantana wuxuu ka mid yahay murashaxiinta u tartamay xilka Madax-weynaha dowlad  goboleedka Puntland  (Puntland State Governor) waxaana taas ammaanteeda iska leh xukuumadda Puntland ee xilkeedu sii dhammaanayo, waxa murashaxiintaas oo dhan soo jitayna waa nidaamka iyo dhismayaasha hay’adaha  xukuumadda iyo sida ay u shaqeeyeen, dhaliilo ha jiraan laakiin murashaxinta tiradaas leh waxaa soo jiitay nidaamka ay taabo gelisay xukuumadda waqtigeedu sii dhammaanayo.  

Waxaa xil-dhibaannada cusub hor yaala inaysan ku il-duufin codka ay bixinayaan iyagoo qiimaynta meelo badan wax ka eegaya; Diinta, Soomaalinimmada, Daacadnimmada(macnaha ma lagu yaqaan in hadalkiisa iyo is waafaqsanyihin wuxuu samaynayo) xilliyo tijaabo oo uu soo maray murashaxa,…waxaan u malayniyaa ilaa iyo hadda madax-weynaha Cabdi-Raxmaan SH. Max’ed (Faroole) iyo ra’iisal wazaarihii hore Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas ayaa ah niman lagu yaqaan muddadii ay xilalka soo hayeen.

Waxaan aaminsannahay inaad garan karaysaan khatarta ay leedahay il-duufka cod bixinta, waxaana tusaale innogu filan madax-weynaha dowladda federal-ka Xasan SHiikh Max’ud,waadna u jeedaan meesha uu ummaddii Soomaaliyeed kala gaarsiiyay, gobol kasta khilaaf iyo colaad buu ka abuuray!  nin ka mid ahaa raggii u ololeeyay in codka la siiyo ayaa igu yiri “waa khalad aan dhowaanahan galo kii iigu gocoshada badnaa inaan Xasan SHikh Max’ud u ololeeyay!”Puntland natiijada doorashadeeda waxaa ka dhur-sugaya qof kasta oo Soomaali ah xataa madax-weyne Xasan SHiikh ayaa dhowr qof oo kala duwan u sheegay inay doonayaan xiriir ay Puntland la yeeshaan laakiin ay sugayaan madax-weynaha la soo dooranayo, sidaa daraaded waxaa loo baahanyahay in xil-dhibaan kasta uu maanka ku hayo in xilkiisu yahay inuu u codeeyo danta ummadnimo ee Soomaaliya, inuu u codeeyo oo uu soo saaro qof ku fekeraya sidii ay Somaaliya uga bixi lahayd raadka ay uga tageen dagaalladii iyo colaadihii muddada dheer soo jiitamayay, gacan ka geysan kara in ummaddu wax qaybsato, isla markaasna ku shaqayniya dastuurka ay ku heshiisay Puntland.

Arbacada, bishan sideedeeda, waa maalin keliya, waa saacad keliya, waa fursad mar keliya ah oo haddii aad tahay xil-dhibaan aad ugu hiilin karto Puntland iyo qaranimada Soomaaliya, hal cod oo aad leedahay …ha yaraysan! Codkaaga waa muhiim, codkaaga wuxuu qaabayniyaa wax ka samayniyaa gud ahaan aayaha ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan midka Puntland.

DHowrka maalmood ee ka dhiman doorashada xil-dhibaanku waa inu ka baaraan degaa qofka uu u codaynayo, waxaad u codaynayso qof ma aha ee waa qaran! Codkaaga wuxuu qaabayniyaa siyaasadda ummadda, hab nololeedka bulshada, wuxuu dhabbaha u falayaa jiilasha soo socda…Cokaaga ha khasaarinin! Codkaaga waa kugu ammaano, odeyaasha ku soo xulay waxay si fudud kuugu gacan geliyeen codkii ummadda oo dhan, marka codkaas ummaddu leedahay ha ku dulmin ummaddii lahayd!…Codkaaga garo awoodiisa oo ha il-duufin,  gocoshana yuusan kaaga tegin!     


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles