Kadib markii ay Ciidamada Kenya baneeyeen Goobo ka tirsan Gobolka Bay ayaa Waxgaradka Gobolkaas waxay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ku eedeeyeen in bixitaanka Ciidanka Itoobiya ay ka dambeysey Villa Soomaaliya oo iyagu Itoobiya u muujiyey Cadownimo iyo abaal ka dhac, Eedeynta ka timid Gobolka Bay ayaa noqotay mid aan si sahlan looga qaadan Villa Soomaaliya oo Gobolada qaarkood awal ay khaati kala taagnaayeen, hadaba Shalay ayaa sida ay Xogta ku heleen Howlwadeenada Puntlandi waxaa Magaalada Adis ababa lasoo Xiriirey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, warqad ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh usoo direy Raysal wasaaraha Itoobiya uu uga codsanayo iney Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan Soomaaliya.
Sida aan illo Dublamaasiyadeed ka helney Dowlada Itoobiya waxay Madaxweyne xasan Sheikh u sheegeen in ciidamada Itoobiya aysan ka baxayn Soomaaliya oo ay halkaas u joogayaan Amaanka Itoobiya awgiis, Kabixitaanka ay ka baxeen Gobolka Bayna waxay ku macneyeen istaraatiiyad dagaal, Waxaa Madaxweyne Xasan Sheikh loo sheegey in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya u joogaan la dagaalanka Argagixisada sidaas awgeed Ciidamada Itoobiya Waxay sii wadayaan La dagalaanka Al-shabaab iyagoo kasii Wadaya Gobolada Jubaland(Gedo iyo Jubada dhexe), ka bixtaanka ay ka baxeen Baydhabo oo aysan wali si buuxda uga bixin wuxuu ahaa mid qorsheysnaa, mudo bilo ka hor ahna ay Dowlada Soomaaliya iyo Amisom ay ogaysiiyeen.
Sida aan Xogta ku helney Ciidamada Itoobiya ee iyagu jooga Gobolka Hiiraan waa lasii xoojinayaa, halka ay ka baneeyeen Gobolka Bay iyo Bakool, Gobolada dhexe iyana waxaa laga yaabaa iney soo galaan Ciidamo Itoobiyaan ah,
Ciidamada Itoobiya iyagu qayb kama ahan Amisom balse waxay si gaara uwada shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Kenya oo iyagu qayb ka ah Amisom.
Codsiga Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud u direy Itoobiya ayaa ahaa mid uusan ka helin jawaab wanaagsan, maalmaha soo socdana waxay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan fariisimo hor leh oo ka tirsan Gobolka Bay.
Puntlandi.com
Adis ababa