Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan Fasax Tacsi uga maqnaa shaqada ka dib geeridii ku timid hooyadii ayaa hada si rasmi ah shaqadiisa u bilaabey isagoo ku sugan Nairobi, wuxuuna maanta (Arbaco 18 Luuliyo,2013 ) uu Nairobi kula kulmey Wakiilo ka socda Wadamada dhinaca dhaqaalaha ka caawiya Soomaaliya, kulankasoo ka dhacay Nairobi, kulanka ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ku gudbinayay Warbixin ku saabsan Xaalada Jubaland ayaa kusoo dhamaadey is afgarad iyo guul, sida uu Puntlandi u xaqiijiyey Howlwadeeno la socdey Madaxweynaha.
Tan iyo markii lagu guuleystey Dhismaha Dowlada Jubaland ayaa Wadamada deeq bixiyaashu waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan isbadalka ka socda Jubaland, waxayna taako taako ula socdeen isbadalka siyaasadeed ee Jubaland, wuxuuna Madaxweyne Axmed Madoobe maanta uga Mahad celiyey Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya taageerada ay u fidiyaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Warar maalmahaan ay saxafadaha Soomaalida qaarkood Qoreyeen oo ku saabsan bur bur ku yimid Wadahadalada Dowlada federaalka ah iyo Dowlada Jubaland ayaa ahaa kuwo been abuur ah, Wararkaas ayaa sheegeyay inuu jirey Wadahadal labada dhinac uga socdey Nairobi oo la isku afgaran waayey, lakiin warkaasi waa mid been abuur ah mana jiro wadahadal labada dhinac uga socdey Nairobi, Wadahadalada Jubaland iyo Dowlada federaalka waxay ka socdeen Adis ababa, waxana wadahadalkii ugu dambeeyey uu dhacay dabayaaqadii bishii Juun, wuxuuna wadahadalkaas ku dhaamaadey Isfahan gaaban oo Dublamaasiyadeed, mana jiro wadahadal dambe oo toosa oo labada dhinac dhex maray, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey Sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne ku Xigeenka Jubaland ee Magaalada Kismaayo.
Maalmihii lasoo dhaafey Dowlada Jubaland waxay gaartey guulo Dublamaasiyadeed kuwasoo ku saleysnaa Xaqiiqda ka jirta Jubaland oo beesha caalamku ay la socdeen marka loo eego Xiriirka Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah, waxaa kaloo maalmihii u dambeeyey banaanka u soo baxay Xaqiiqda warar badan oo kala duwan oo ku saabsan xaalada Jubaland kuwasoo Dowlada Federaalku u gudbisey beesha caalamka, waxaana kamid ahaa eedeymihii losoo jeediyey Kenya, Dagaalkii Kismaayo ka dhacay iyo siduu ku bilowdeyba.
Sadexda maalmood ee Soo socda waxaa magaalada Momobasa Shir uga socdaa Amisom, Wadamada Igad iyo Wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo Waliba Machadka Afrika ee Amaanka iyo La dagaalanka argagixisada,waxaana lagu falan qaynayaa Amaanka Soomaaliya iyo Xiriirka ka dhexeeya Wadamadaan iyo Dowlada federaalka ah.
Puntlandi.com
Nairobi