Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin Illaalada Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi iyo Wariyayaal isku dhacay

$
0
0

sawir
Saaka ayaa isku dhac dhex maray Wariyayaal iyo Ilaalada Guriga Murashax Maxamed cabdiNuur ka dib markii Nin Wariye ah uu ka dhaga adeygey amar ay siiyeen Askartu oo ahaa in uusan bilaaban shirka ay u socdaan sidaas awgeed ay ku sugaan banaanka inta looga yeerayo wariyayaasha, tasoo keentey isdhaafsi hadalo afka ah ka dibna waxaa bilowdey gacan ka hadal dhex mara Wariyayaashii iyo Askartii illalada u ahayd Murashax Maxamed cabdinuur.

Mahad Cabdi Cali oo aan ahayn Wariyihii buuqa dhaliyey ayaa dhib ka soo gaaray ay Askarta murashuxu u geysteen ka dib waxaa goobta soo gaarey Ciidanka Booliska oo amar kusiiyey Wariyaasha iney ka tagaan meesha, Shirkii Jaraa’id ee ay qaban lahaayeen Murashixiintana dib ayaa loo dhigey.

Iskusoo duuboo falkaan wuxuu ahaa mid ka dhashey Isfahan la’aan.

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles